Home » Ciyaartii layaabka lahayd ee Pele oo garoonka laga saaray dib loogu soo celiyay
Colombia Featured Global News News Sports

Ciyaartii layaabka lahayd ee Pele oo garoonka laga saaray dib loogu soo celiyay




Pelé waxa uu ahaa nin rikoor badan dhigay: waxa uu dhaliyay in ka badan 1,200 gool, waxa uu ku guulaystay saddex koob oo kubbadda cagta ah, waxaana dalkiisa loogu dhawaaqay inuu yahay hanti qaran.

Laakin waxa jirtay ciyaar taariikh gashay oo Pele inta garoonka laga saaray dib loogu soo celiyay.

Teebaa ayay ciyaartaas ahayd?

Ciyaartaas waxaa Pele la siiyay kaarka casaasnka balse dalab xooggan ka dib garoonka ayuu dib loogu soo celiyay ka dib markii laga noqday kaarka. Waxaa xusid mudan in Pele uu kaarka casaanka loo tagay 3 jeer oo keliya intii uu kubadda cayaarayay.

Garsoorihii ciyaartaa waxaa la oran jiray Guillermo Velásquez waxa uu dhashay dalka Colombia.

Dhacdadaan ayaa waxay dhacday bishii July ee sannadkii 1968-dii waxayna ka dhacday Bogota. Waxay ahayd ciyaar saaxibtnimo ah oo dhexmareysay koox ka socotay Colombia iyo kooxda caanka ee Santos oo Pele u ciyaaray inta badan intii u uku guda jiray xirfaddiisa kubadda cagta.

Ugu dambeyn ciyaartaas ayaa dhamaatay iyadoo garsoorihii la mamnuucay, Pele oo garoonka dib ugu soo laabtay iyo ciyaartooydii Brazil oo looga yeeray xarunta booliska booliska ee Colombia.  

Sidee ayay wax u dheceen?

Xiriirka Kubadda Cagta Colombia ayaa bilowgii 1968-kii ku guuleystay inuu maamulo ciyaar saaxiibtinimo oo ay kooxdooda la yeeshaan kooxda Santos ee uu Pele u ciyaarayay.

Ciyaartan ayaa la isku afgartay in la ciyaaro maalin Arbacada ah oo ku beegneyd bishii July 17-keedii ee sannadkaas, waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka ku yaala caasimadda Colombia ee loo yaqaan “El Campín”.

Garsooraha ciyaarta waxaa loo xushay Velásquez oo loo arkay inuu yahay garsoore wanaagsan oo ciyaartaan dhex-dhexaadin kara.

Sida laga soo xigtay taariikhda saxafiyiinta sida Hernán Peláez Restrepo iyo wargeyska Colombia El Tiempo, ciyaarta ayaa si degdeg ah u kululaatay: seddex daqiiqo ka dib, Alfredo Arango – oo ah weeraryahan ku dhashay xeebta Atlantic ee Colombia – ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay.

Hase yeeshee , ciyaartoyda Santos, ayaa markii ay arkeen in calan wadaha ama caawiyaha garsooraha uu kor u taagay calankiisa, way andacoodeen sababtoo ah waxay u arkeen goolka inuu yahay mid aan sax ahayn.

Arrinta dacwo waa ay dhaaftay, oo waxay isku badashay khalalaase ka bilaabatay in garsooraha uu haraantiyo kabtankii iyo daaficii kooxada reer Brazil ee Antonio Lima, waxayna xaaladda isku sii shareertay ka dib markiii garsoore Chato Velásquez uu feer-yahan isku baddalay oo uu caloosha feer kaga dhuftay ciyaar yahan Lima.

Arrinta dacwo waa ay dhaaftay, oo waxay isku badashay khalalaase ka bilaabatay in garsooraha uu haraantiyo kabtankii iyo daaficii kooxada reer Brazil ee Antonio Lima

Xoogaha caradii waa la qaboojiyay ciyaartiina waa ay sii socotay ilaa laga gaaro 7-dii daqiiqo ee ugu dambeysay ee qeybtii hore ee ciyaarta.

Halkan sheekooyin kala duwan ayaa la soo weriyay balse waxaa la isku raacay in ka dib markii Pele uu madaxa ku dhuftay kubad koorno ahayd ayuu waxa uu dooday in khalad lagu galay.

Hase yeeshee Velásquez ganafka ku dhuftay sheegashadiisa waxaana la sheegay in Pele uu aflagaadeeyay garsooraha taas oo horseedday in Pele ciyaarta laga saaro. Pele hadalka garsooraha kama uusan horeedsan sidaas ayuuna kaga baxay garoonka balse xaaladda ayaa is badashay.

Peláez Restrepo ayaa sheegay in garoonka uu markiiba isku baddalay “masraxa feerka” iyadoo ciyaartooyda Santos ay feer la dheceen.

Dhammaan 28 qof ee ka socotay kooxda Santos waa ay I feereen marka laga reebo dhakhtarkooda, weriyihii la socday iyo Pele ayuu Velásquez u sheegay Ramos.

Inta badan 60-kii kun ee daawaneysay ciyaarta ayaa sidoo kale ka soo horjeestay garoore Velásquez kuwaas oo bilaabay inay aflagaaddeyaan.

Ka dib markii maamulka xiriirka kubadda Cagta ee Colombia ay arkeen in xaaladda gacanta ka baxday ayaa waxay soo saareen amar garsoore Velásquez garoonka looga saarayo Pele-na ciyaarta dib loogu soo celinayo.

Pele

Ka dib waxaa ciyaarta garsoore ka noqday calan wadihii oo lagu baddalay Velásquez halka mid ka mid ah maamulka maamulka xiriirka kubadda Cagta ee Colombia uu u soo labistay inuu ciyaarta calan wade ka noqdo oo uu baddalo caawiyihii ciyaarta ee garsooraha noqday.

Ciyaartaas ayaa ku soo idlaatay 4-2 oo ay guusha ku raacday kooxda oo Brazil ka socotay.

Source : BBC

Translate